Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonyahay oo la hadlay Somalisan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qorsheynaya in uu sameeyo isku shaandheyn Golaha wasiirrada ah saacadaha soo socda.
Kulamo isdaba joog ah ayaa illaa iyo xalay ka socday Villa Somalia, waxa uuna qorshuhu yahay in la sameeyo isku shaandheyn xukuumadda ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaallo u galay waddamada Khaliijka ayaa waxaa uu la kulmay weji gabax la xiriira in aan lagu qanacsaneyn Golaha Xukuumadda.
Wasiirro haya jagooyin culus ayaa laga yaabaa in ay lumiyaan kuraastooda, waxaana kamid ah Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru dowlaha madaxtooyada Abshir Bukhaari iyo xubno kale oo kamid ahaa Xisbigii dALJIR.
Waxaa suuragal ah in ay wax badan isbedelaan, balse hadda waxaa socda kulumo illaa iyo xalay soo tixnaa.
Wixii soo kordha kala soco Somalisan.