Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga, halkaasi oo uu kaga qayb galayo Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkan ayaa intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka safray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta isagoo ku sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh.
Madaxweynaha ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, kadibna uu halkaasi ku galey qaliin yar oo dhanka garabka looga sameeyay,
Madaxweynaha waxay madaxtooyadu cadeysay inuu sii wanaaagsan uga bogsadey qaliinkaasi yar ee caafimaad ee uu marey.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale safarka uu ugu sii jeedo Sacuudiga wuxuu halkaas kaga qeybgeli doonaa shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi kadib waxaa qorshuhu yahay inuu dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo oo shaqooyin badani u yaaliin.
Madaxaweyne Xasan ayaa sida la ogaa wuxuu hormuud u ahaa dagaalka dalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabab lamana oga inuu Dhuusamareeb ku laaban doono iyo inuu Muqdisho ka hagi doono.