Home Afsomali Xasan Sheikh oo Noqday Musharaxii 12aad ee bixiya 30 Kun doolar ...

Xasan Sheikh oo Noqday Musharaxii 12aad ee bixiya 30 Kun doolar iyo Magacyada ilaa hada bixiyey

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayaan Xubno dhowr ah oo ka tirsan
Madaxtooyada Somalia, ayaa Guddiga doorashooyinka ku wareejiyay lacagta is
diiwaangalinta oo dhan 30,000 oo Dollar, sida uu Guddiga sheegay.

Madaxweyne Xasan ayaa is diiwaangalintiisa kadib lasiiyay Shahaadada Caddaynta
Murashaxnimo oo ay bixinayeen Guddiga doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Musharaxii 12-aad ee maanta isdiiwaan
geliya, waxaana ka horeeyay 11 Musharax oo iyaguna maanta is diiwaangaliyay.

Guddiga Doorashadda Madaxweynaha u qaabilsan Diiwaangelinta Murashixiinta ayaa
hubiyey inay Murashixiinta mid kasta bixiyey Lacagaha is diiwaan gelinta oo dhan
30,000 oo Dollar, ka hor inta aan la wada siinin Shahaadada Caddaynta
Murashaxnimo.

Dhinaca kale, Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Jadwalka is diiwaangalinta
uu ku socdo sida loogu tallo galay, waxa uuna guddiga sheegay inaan wakhti lagu
dari doonin maalmaha loo qabtay Musharaxiinta inay isku diiwaangalinta.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA IS DIIWAANGALISAY

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed

2-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

3-Cabdiqaadir Cosoble Cali.

4-Maxamuud Maxamed Culusow.

5-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

6-C/naasir Cabdulle Maxamed.

7-Bashiir Raagge Shiiraar

8-Amb. Maxamed Cali Ameeriko

9-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

10-Jabriil Ibraahim Cabdulle

11-C/raxmaan C/shakuur Warsame

12-Xasan Sheekh Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.