Home Afsomali Xildhibaan ku eedeeyey farmaajo in  uu fowdo la damacsan yahay kulanka labada...

Xildhibaan ku eedeeyey farmaajo in  uu fowdo la damacsan yahay kulanka labada Aqal ?

Xildhibaan ku eedeeyey farmaajo in  uu fowdo la damacsan yahay kulanka labada Aqal ?

Xildhibaan Mahad Salaad Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka ayaa shaaciyey in Madaxweyne Farmaajo uu wado qorshe uu ku baajinayo kulanka xubnaha labada aqal ay beri ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa xusay in Farmaajo uu talaabadaas u adeegsanayo xildhibaano isaga taageersan oo uu caawa la kulmay.

“Farmaajo ayaa caawa abaabulaya Xildhibaano beri fowdeeya kulanka Baarlamaanka, si doorashada guddoonka Baarlamaanka dib ugu dhacdo” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

“Waa qar-iskatuurnimo iyo isqarxin siyaasadeed. Waan hubaa inuu ku fashilmi doono siduu horay ugu fashilmay iskudayo nuucaan oo kale ah” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Mahad Salaad

Kulanka Baarlamanka ee beri ayaa lagu wadaa in lagu shaaciyo jadwalka doorashada guddoonka Baarlamanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.