Home Afsomali Xildhibaan Odawaa oo ka cudur taartay kamid noqoshada Guddigii Sheekh Aadan Madoobe...

Xildhibaan Odawaa oo ka cudur taartay kamid noqoshada Guddigii Sheekh Aadan Madoobe u xilsaaray dhacdadii Golaha Shacabka

 

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Odawaa oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u xilsaaray baaritaanka buuqii & gacan ka hadalkii ka dhashay Kulankii Golaha Shacabka ee lagu ansixiyay Golaha Wasiirada ayaa isaga baxay Gudddiga

Qoraal kooban oo Xildhibaanka uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga cudur daartay kamid ahaanshaha Guddiga, wuxuuna Xildhibaannada Golaha Shacabka uu kula dardaarmay ilaalinta anshaxa Baarlamaanka.

ayaa iska casilay isagana baxay

Ka cudur daarasho.

Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan.

Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka.
Mahadsnaidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.