Home Afsomali Xildhibaanada Aqalka sare oo ansixiyey Gudiyo KMG ah

Xildhibaanada Aqalka sare oo ansixiyey Gudiyo KMG ah

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay soo xaadireen 32 Xildhibaan ee Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay tan iyo markii la doortay iyo howlaha hor-yaala, waxaana uu hor-dhigay sameynta 5 Guddi KMG ah, iyadoo dood kaddib Xildhibaanada ay ansixiyeen.

Guddiyada KMG ee la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin:-

  • Guddiga Amniga
  • Guddiga Sameynta Miisaaniyadda Aqalka Sare
  • Guddiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare
  • Guddiga Sameynta Xeer Hoosaadka
  • Guddiga Sameynta Aqalka Sare

 

Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ansixiyay labo Hab dhowre ama Nidaamiye oo lagu kala magacaabo C/kaafi Macalin Xasan iyo Fartuun C/qaadir Faarax.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in 5-ta Guddi ee la ansixiyay Guddi walba ay xubin ka yihiin 7 xubnood, waxaana uu faray Guddiyadan in muddo todobaad ah ku soo dhameystiraan howlaha loo xil saaray, kuna soo celiyaan Aqalka Sare si loo ansixiyo.

Aqal Sare ee Baarlamaanka ayaa ah kii u horeeyay ee ay yeelato Soomaaliya, tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.