Home Afsomali Xildhibaanada Beesha Murusade oo noqday kuwa ugu Faca weyn Xildhibaanada Dalka (DAAWO...

Xildhibaanada Beesha Murusade oo noqday kuwa ugu Faca weyn Xildhibaanada Dalka (DAAWO SAWIRADA)

Xildhibaanada Beesha Murusade oo noqday kuwa ugu Faca weyn Xildhibaanada Dalka

Kadib10 sano burburkii dawladii dhexe ee Somaaliya ayaa dib loo yagleelay dawlada ka dhisan Dalka maanta mudo laga joogo 21 sano oo ka bilaabata sanadkii 2000, Magaalada Carte ee dalka Jabuuti, waxaana saldhig looga dhigay Barlamaan ka kooban 275 xubnood markii ugu horeysay taariikhda Somaliya, laguna xulaya nidaamka 4.5 beelood, 61 Xildhibaan oo loo qeybiyey beesha Hawiye ayey beesha Murasade ka heshay 7 Xildhibaan oo ay u qeybsadeen Jufa hoosaadyo.

Mudadaas 21 ka sano ah waxaa isbedelay nidaamkii iyo dadkii lagu soo dhisay dawladii Carte markii laga reebo 4.5 kii iyo Xildhibaanada Beesha Murasade sida;

1. Waxaa is bedelay 6 Barlamaan oo kala ahaa; Carte, Embgathi, Jabuuti oo 2 baarlamaan ah iyo 2 Muqdisho 6 x 275 = 1655, waxaa ka jooga Barlamaanadaas maanta kuwa waqtigoodii dhamaaday december 2020 iyo beelaha qaar ay ka soo hareen qof qof la waayey cid lagu bedelo gaar ahaan beesha 5aad iyo beelaha ka go’ay dawlada Somaliya sida; Jabuuti ama Somaliland oo ay yaryihiin dadka la tartamaya Xildhibaanadooda.

2. Waxaa is bedelay 5 Madaxweyne oo aan midkoodna soo laaban, mid kastana uu qorsheeyey in uu soo laabto balse lagaga guuleystay tartankii doorasho ee lala galay marka laga reebo kan hadda jooga oo doorashadiisu dhici doonto bilaha soo socdo

3. Waxaa is bedelay 13 Ra’iisalwasaare oo aan midna ka soo laaban markii laga reebo cumar cabdirashid oo laba mar soo laabtay lagana yaabay nasiibkiisa, mana jirin mid ka mid ah oo rabitaankiisa isku casilay. Ilaa in la qasbay ma ogiye

4. Waxaa is bedelay ilaa 13 Xukuumadood ama golayaal wasiiro oo u dhaxeeyey 30 ilaa 70 wasiir kuwaas oo wadartoodu noqoneyso 15 x 50 = 750 wasiir mana jirto cid kasoo noqotay marka laga reebo kuwa hadda jira oo xiligoodu dhamaaady 2020

5. Waxaa loo xadeeyey dhammaan Madaxweynayaasha, Golayaasha Barlamaan iyo Wasiirada kuwa dawladda Fedaraalaka iyo dawlad Gobaleedyada 4 ilaa 5 Sano kali ah, waxaana aad u yar taariikhda iyo dhaqan siyaasadeedka Somaliya in mar kasta lagu soo laabto xilalka siyaasadeed.

Hadaba waxaa isweydiin mudan; maxaa sababay soo laabashada mudada dheer Xildhibaanada Beesha Murusade?

Su.aaal

1.Miyeysan jirin cid bedesha ama la tartanta? Aaway aqoonyahankii ama siyaasiyiintii Beesha aawey dhalinyaradi wax bartay?

2 Miyeysan jirin cid la xisaabtanto ama weydiiso wax-qabadkoodii 21 Sano, waxa ay kusoo kordhiyeen guud ahaan dawladnimada Somaliya gaar ahaan horumarinta deegaanada Beesha iyo Saami-qeybsiga beeshu ku leedahay dawladda?.

3.Maxey tahay sababta ay maanta oo waqtigoodii dhamaaday u sameeyeen Midnimada iyo isbahaysiga dhexdooda ah oo aan horay u dhicin? Ma waxey ka baqeen in meesha laga qaado ama lala tartamo? Mise waxey u midoobeen in ay beesha wax u qabtaan 21 sano kadib?.

4.In madaxda dawlada marna la mucaarado marna la taageero marna la baado ma farsamo iyo Siyaasad baa? Mise waa dhaqan Xildhibaanadeyna u gaar ah?.

Su’aalahaas iyo kuwa kale hadii aan is weydiino waxaa noo cad in Xildhibaanada Beesha Murusade ugu da’weynyihiin Xildhibaanada qaranka welina xusulduub ugu jiraan sidii ay ku soo laaban la hayeen doorashada soo socota wada kastana ay u marayaan; hadii ay tahay mucaarad ama muxaafid, kala qeybin beesha ama kala xulasho, xulafeysi kooxo ama maamulgobaleedyo, mooshino ama dhaqaale raadin iyo farsamooyin kale.

Ugu danbeyn Waxaa dhab ah in aaya ka talinta iyo doorashadu yihiin xuuquuq ay u simanyihiin dhammaan xubnaha Beesha meel-kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibadaba, una taaganyihiin maanta in ay difaacdaan xaqooda ayna doortaan Xildhibaanadooda lana xisaabtamaan una dhiibtaan cidii ay u arkayaan in ay matali karto masiirkooda iyo mustaqbalkooda waxna ku kordhin karto.

Dhanka kale Xildhibaanada murusade dhamaantood waa isma dhaanto iyo dhashood inkastoo kuwa aad u daran ey jiraan beelweynta Murusade sanadkaan waxaan kula talin lahaa iney is badal muuqda la yimaadan oo ey iska hor leexiyaan ragaan caloosh u shaqeysta yaasha ah wax saameyn ah oo ey siyaasada dalka ku lee yihiin malahan matalaad la’aan waa ku darsadeen please murusade kuwaan yeysan nagu soo naqan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.