
Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay shalay ku qaadeen magaalada oo ay xilligaas ku sugnaayeen xidhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo koox wariyayaal ah oo gobolka u tagay inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay dagaaladu saameeyeen.
wararka ayaa tibaaxaya in xildhibaanadii iyo wariyayaashii halka dagaalku ku qasaday loo duuliyey gudaha Ethiopia warna laga waayey isgaarsiinta oo go.an darteed balse saaka laga war helay badqabkood
Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay ka hortageen in Shabaab ay gacanta ku dhigaan magaalada Aato,islamarkaana dib loo riixay.
Sida ay sheegeen xogo dhinaca sirdoonka ah, qiyaastii 500 oo dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 50 mitir gudaha u galay Ethiopia toddobaadkii la soo dhaafay kahor.
https://youtu.be/IJlj0TTmvPc