Xildhibaanada taageersan guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS ayaa sheegay in maanta ay tagaya xarunta golaha shacabka kana shirayaan ajendaha guddiga joogtada ay shaaciyeen.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in aysan abali doonin in wax ka badal lagu sameeyo Ajendaha kulanka oo ah ka hadalka arrimaha la xiriira xadka magaalooyinka balad xaawa iyo Mandheera iyo xad gudubka ay dowladda Kenya ku soo sameysay Soomaaliya.
Xildhibaanadaan oo qaarkood la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in mowqifkooda ku aadan tagitaanka kulanka golaha shacabka.
Dhanka kale Xildhibaanadaan ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu doonayo in uu burburiyo golaha shacabka, kana shaqeeyo kala qeybintiisa sida ay sheegeen.
Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale sheegay in la doonayo in la afduubto golaha shacabka sidoo kalena awoodiisa ay la wareegto Xukuumada Soomaaliya.
Waxa ay Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha ugu baaqeyn in aysan dalka dib u celin farahana kala baxaan howlaha golaha shacabka.