Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo shaqaago ku dhexmartay degaannada Horufadhi iyo Beeyo Macaan oo ka kala tirsan gobollada Saaxil iyo Buuhoodle.
Xildhibaanadanada ayaa beelaha ku diriraaya deegaanka Horufadhi ee Buuhoodle iyo ardaayada dirirtu ku dhexmartay deegaanka Beeyo Macaan ee gobolka Saaxil waxaa ay si wada jira ugu baaqeen in si dhakhso ah dirirta u joojiyaan lagana shaqeeyo nabadda wada noolaanshaha bulshada.
Xildhibaanadan waxaa kale oo ay u mahadnaqeen cidkasta oo arrinta nabadaynta beellaha ka qayb qaadanaysa, iyaga oo u rajeeyay in Alle ku guuleeyo xoojinta nabadda.
Waxa ay beelaha walaalaha ah kula dardaarmeen in aan la joogin wakhtigii dirirta ee la joogo wakhtigii horumarka loona baahan yahay in dadka garaadkoodu shaqeeyo oo ay ka waantoobaan dhiiga xaaranta ah ee la daadinaayo.