Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Golahaasi oo muddo xirnaa.
Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Labadiisa ku xigeen ayaa fadhiyay kulankii xildhibaannada aqalka sare ee ay ku shaacinayeen muddada uu furmayo kalfadhigooda 5aad.
Habdhowraha Golaha aqalka sare C/Kaafi Macallin Xasan ayaa sheegay in kalfadhiga 5aad ee Golaha aqalka sare ee SOomaaliya uu furmayo 1da Bisha soo socota ee April oo ku beegan Insiinta soo socota.
Wali waxaa jira khilaafka u dhaxeeya Golaha aqalka sare iyo Golaha shacabka,waxanaa kalfadhigii ugu dambeeyay ee ay wadajir u furtaan uu ahaa kalfadhigii 3aad.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu xallinayo khilaafka labada aqal kalfadhiga 5aadna uu sida wadajir ah u furayo laakiin Golaha shacabka ayaa kalfadhigooda 5aad uu furmay shalay waxaana furay Madaxweyne Farmaajo.