Home Afsomali Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo magacaabay Guddi baara dhibaatadii loo geystay bannaanbaxayaasha

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo magacaabay Guddi baara dhibaatadii loo geystay bannaanbaxayaasha

Xisbiyada mucaaradja Somaliland ee WADANI & UCID ayaa Magacaabay Guddi ka kooban Sagaal Xubnood, kuwaas oo baaritaano ku sameeynaya dhibaatooyinkii Xukuumadda Somaliland u geystaya dadkii banaanbaxa dhigayay todobaadkii la soo dhaafay.

Qoraal kasoo baxay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland laguna Magacaabay Guddiga ayaa sidoo kale lagu soo cadeeyay sababta ay Guddigaan u Magacaabeen, taas oo lagu sheegay dhowrkana qodob ee kala ah.

Maadaama oo ay socdaan bannaan-baxyada nabadgelyo oo ay Xukuumaddu xoog xad-dhaaf ah

iyo xabad nool u adeegsatay dadkii shicibka ahaa ee isu soo baxay, taas oo ay ka dhalatay
dhimashadii iyo dhaawacii ugu badnaa ee abid ka yimaadda Mudaharaad silmi ah.

Isabahaysiga Mucaaradka ah ee Xisbiyada UCID iyo WADDANI, iyaga oo ka duulaya tacaddiyaddi iyo
khasaarihii loo geystay Shacabka isu soo bixii nabadgelyo ee ka qabsoomay dhammaan
Gobollada Somaliland Khamiista ee ay taariikhdu ahayd 11* Aug 2022.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyaga oo dareensan falalkii lagula kacay
Muwaadininta in ay ahaayeen ku takrifal awoodeed, ku tumasho Xuquuqal Insaan iyo caburin dareenka iyo doonista dadweynaha oo loo adeegsaday Awooddii Qaranku wada lahaa.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyaga oo tixgelin weyn siinaya amuurahaas
xaga sare ku xusan, ilaalinta Xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta reer Somaliland, waxa ay u magacaabeen Guddidan hoos ku xusan in ay noqdaan Guddi baariseed oo warbixin
dhammaystiran ka soo diyaarisa tacaddiyaddii Xukuumaddu u geysatay Shacabkii isugu soo
baxay bannaan bixii nabadeed, kuwaas oo kala ah.

1: Xildhibaan Sicid Maxamed Ismaaciil (Sokeeye)
2: Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun
3: Xildhibaan Golaha Wakiilada WADDANI
Xildhibaan Golaha Wakilada WADDANI

Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge
Xildhibaan Golaha Wakiilada UCID
4 Xil Axmed Khaliif Jaamac Saalax
Xildhibaan Golaha Wakilada UCID
Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal Xoghayaha Waraafinta Xisbiga WADDANI
6 Marwo Aamina Cilmi Fariid
Guddida Fulinta Xisbiga UCID
Mudane Yoonis Axmed Yoonis
Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI
8 Xil Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay) Mudane Golaha degaanka Hargeysa Xisbiga UCID
Garyaqaan Maxamed Saalax Cige
Garyaqaanka Xisbiga WADDANI

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay ugu eedeeyeeyay inay mas’uul ka yihiin madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI & UCID dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyada looga soo horjeedo Xukuumadda Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.