Home Afsomali Xog: Deni oo maanta kusoo wajahan Muqdisho kadib markii uu weeraray Xasan

Xog: Deni oo maanta kusoo wajahan Muqdisho kadib markii uu weeraray Xasan

https://youtu.be/1TuK738uZ5c

https://youtu.be/8op42Pi3Z68

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida  ay sheegtay in ay  ilo-wareedyo u xaqiijiyeen

Sida aan xogta ku helnay safarkan,oo uu Deni kaga jawaabayo casuumaduga timid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayey aheyd inuu shalay ku yimaado Muqdisho, balse wuuu baaqday.

Safarka Deni ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Puntland uu shirkii Khamiista ee golaha wasiirada Puntland aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso, oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan, mana cadda in baaqashadaas ay xiriir la leedahay khilaafka labada dhinac.

Saciid Deni ayaa ka caraysnaa madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka ra’iisul wasaaraha dhaafsiiyey Puntland, oo uu magacaabay Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, khilaafkaas ayaa la sheegay in markii dambe la xaliyey kadib markii wiil uu dhalay Deni xil laga siiyey dowladda federaalka, sidoo kalena xilal kale loogu daray, balse sida muuqata Deni wuxuu doonayaa xilal kale oo dheeri ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.