Home Afsomali Xoghayaha Guud ee ururka SJS Cabdalla Muumin oo xabsiga laga soo daayay

Xoghayaha Guud ee ururka SJS Cabdalla Muumin oo xabsiga laga soo daayay

Xoghaya guud ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin, ayaa qaab damiin ah xabsiga looga soo daayay, kaddib muddo lix maalmood oo uu u xirnaa hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Maxamed Cabdulwahaab oo ka mid ah Madaxda Ururada Saxaafadda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo deynta Cabdallad Muumin, wuxuuna sheegay in damiinkan oo ah muddo 45 cisho ah ay kadib ogaan doonaan halka kiiskan u jiheysto.

Cabdalla Muumin oo lagu xiray garoonka Aadan Cadde xilli uu doonayay inuu garoonka ka dhoofo, ayaa subaxnimadii hore ee saaka lasoo taagay maxkamadda gobolka Benaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dacwad oogeyaashu ay awoodi waayeen inay caddeeyaan dembiga uu galay, sida ay sheegeen saraakiisha SJS.

Ururrada warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa xarigga Muumin walaac ka muujiyay, iyaga oo sidoo kale shaki geliyay nooca eedeymaha loo heystay.

Waraaradda Warfaafinta dowladda Federaalka ayaa dhawaan iska fogeysay ku lug lahaanshaha xarigga suxufigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.