Home Afsomali Xoghayaha Joogtada Ah ee Xafiiska R/Wasaaraha iyo Agaasimayaasha Guud Oo Ka Shiray...

Xoghayaha Joogtada Ah ee Xafiiska R/Wasaaraha iyo Agaasimayaasha Guud Oo Ka Shiray Hannaanka Shaqo ee Xilliga Kala Guurka ( DAAWO SAWIRADA )

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaarah, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi ayaa guddoomiyay shirka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha oo maanta looga hadlay in doorashooyinka dalka ka dhacaya ayan saameyn ku yeelan habsami u socodka shaqooyinka dowladda.

Kulanka ayaa looga dooday qaabka ugu haboon ee wasaaradaha iyo dhammaan hey’adaha dowladdu ay si habsami leh ugu wadaan howlaha ay qaranka u hayaan xilliga kala guurka ah ee ay dalka ka dhacayaan doorashooyinka heer federaal.

Dhanka kale, agaasimayaasha guud ayaa kulanka uga war bixiyay shaqooyinka wasaaraduhu ay qabteen lixdii bilood ee lasoo dhaafay, caqabadaha lala kulmay iyo casharadii laga bartay ee faa’iidada u leh fududeynta shaqooyinka kale ee wasaaaraddaha u yaalla.

Agaasimayaasha guud ayaa isla gartay in sare loo qaado wadashaqeynta dhaw ee ka dhexeysa agaasimayaasha guud iyo in si xooggan looga shaqeeyo fulinta halbeegyada hor-tebinta leh ee xukuumadda, si loogu guuleysto himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

C46A7119

BG5I8343

BG5I8333

BG5I8328

BG5I8325

C46A7125

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.