Maleeshiyaad hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay Shan ruux oo Shacab ahaa waxaa ay ku dileen aagga degaanka Qabalaha Caleen ee Degmada Shilaabo ee dowlad degaanka degaanka Soomaalida.
Dadka la dilay oo ahaa dhammaantood Xoolo dhaqato ayaa waxaa la sheegay in dilkooda uu la xiriira aanooyin qbaiil oo sanadihii la soo dhaafay ka taagan degaano katursan dowlad degaanka Soomaalida.
Ciidamo katirsan kuwa liyuu Boolis ayaa ku baxay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo baadi goob u galay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadka dilka geystay oo la sheegay inay ka tageen degaano katirsan gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.
Maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay dadka Xoolo dhaqatada ah, iyada oo ay used mduan tahay in dhwor jeer sidaan oo kale da Shacab ah gaadmo lagu dilay.
Dilka shanta Ruux ee Shacabka ahaa loogu geystay aagga degaanka Qabalaha Caleen ee Degmada Shilaabo ee dowlad degaanka degaanka Soomaalida ayaa imaanaya, iyada oo shir looga arrinsano nabadda uu ka socdo degmadda Shilaabo si loo soo afjaro colaada kajirta degaankaas.