Xuska maalinta naafada aaduunka oo muqdisho lagu qabtay
Waxaana ka soo qeybgalay Ururada bulshda rayidka dadka naafada oo qabtay munaasabad weyn oo logu maamusayey maalinta dadak naafada aduunka 3 december 2021. Munaasabadaan ayaa waxaa lagu qabtay midka mid hotelda magaalada muqdishu. Munaasabdaan ayaa waxaa waxaa a goobjoogayaal ka ahaa qeeybaha kaladuwan dadka naafada wakiilada degmooyinka, Golaha Naafada Qaranka, Clsuterka Naafada, iyo wakiilada barkacayasha dadka naafada
Munaasaadaan ayaa waxaa looga dooda xaalada xaquuqda dadka naafada halkaa oo qudbado lau soo badnhigay. Furitaan ka Quraan Kariimka ayaa waxaa ku furay macalin Nuur
Abdullahi Hassan Hussein Madaxa Clusterka Dadka Naafada ayaa shegey in ay aad ugu faraxsanayhiin ka qeeybgalka munaasabdan qaaliga ah oo lagu maamusaye maalinta dadka naafada aduunka.
Waxaana u usheegey in dood xoogan ka qabaan dhibatada ay ku heyso wasaarada haweeynka iyo xaquuqul insaanka .
waxana aan mujineynaa in xaquuqda dadka naafada si weeyn loogu tuntay 5 sano laso odhafay 2017 ilaa 2021.
Dalamar Cadow Gudomiyaha Ururka Naafad Gobolka Banaadir ayaa sheegey in su’aal weyn ka qabana hoos geynt dadka naafada wasradaha haweeynka. Taa micnaheeda waalidid dadk anafad la liidayo. Waxaa an cod xogan ku dalbaneynaa in dadka naafad loo sameyo wasaarada u gaar oo dhibaatoyinka wax ka qabankarto
Maxamed Amiin Afheynka Golaha Naafada Qaranka ayaa ku tilmaamay wasrada hweeynka iyo xaquuql in saanka mid anan aqoo n iyo waayo arganimo u laheyen sida loo daryeelo dadka naafada. Sidaa darted ay codsanaynaa in loo wareejiyo wasaarada arimaha bulshada iyo shaqalaha
Cabdiraxman Xeris oo kimd ah ururka Naafad Gobolka Banadir ayaa dowlada ka codsaday in isbedel lagu sameyo xaalada dadka naafada oo ah mid meel xun mareyso. Waxaan uu muujiye walaaca u u ka qabo wasarada haweeynka iyo xaquuql aadanaha. Waxaan soo dheynaa dalabka saxibadey oo ah in wasrada shadaqa iyo arimaha bulshada loo warejiyo dadka naafada
Maama xaliimo oo kamid ah dadka naafada ayaa si qiiroleh uga hadashay arimaha naafada.
Waxaan ay shegtey in dadka naafada ay heystaan dhibatoyin badan oo u bahna in wax lagaqabto. Waxaa ay baq udirtay madaxa dalka in si deg deg wax ugaqabtaan xaalada dadka naafada oo ay dhibata ka heysto qaar kamid ah hayada dowlada iyo kuw shacabka
Ugu dambeynta dadka naafada ayaa munaasabadooda ka soo saaray baaq dhoor wodob
1 dadka naafada waxaa ay cabasho ka yahiin wasraada haweynka iyo xaquuql insaanka oo dhibato xoogan ku heyso dadka naafada.
2 dadka naafad waxaa ay cod xoogan ku codsanyaan in u wareegan wasaarada arimaha bulsho iyo shaqad oo ah mid markii hore si qasab looga soo wareejiye sandka 20217.
3 dadka naafada waxaa ay codsanayaan in la hirgeliyo sharciga dadka naafada iyo dar dargelinta xeerka naafada aduunka oo dowlada somaliay saxiixday iyo dhismaha hayad naafo oo ay dadka naafada rali kayhiin
4 dadka naafada waxaa ay baaq xoogan udireyaan beesha caalmaka iyo deeq bixiyeyaash in kaqeeyb galiyaa mashaariicd gargaarka iyo horumarninta kuwaa oo ay hadeer ka takooranayhiin.
5 dadka naafad waxaa fariin xogan udireeyn reysul wasaaraha dalka Maxamed xuseen ROoble iyo Madaxmweyna J F Somaliyed Maxamed Cabdullahi Farmajo in ay gacan ka geystaan daryeelka iyo ilaalinta xaquuqda muwaadinka naafada ah.