Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad ka helay hay’adda The heritage Foundation ayaa booqasho ku jooga dalka Maraykanka.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan wafdi wasiirro ah ayaa sida ay hay’addu sheegtay hadal jeedin doona maanta oo ah 14-ka Maarso, kaas oo uu kaga hadli doono sida la isugu soo dhawayn karo xiriirka Somaliland iyo Maraykanka.
Madaxweyanaha ayay hay’addu sheegtay in uu xoogga saari doono sidii uu u muujin lahaa fursadda weyn ee ku jirta xiriirka Maraykanka iyo Somaliland oo xoogaysta.
Hay’adda The Heritage Foundation ayaa ah hay’ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, dawlad xaddidan, xorriyadda shakhsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo difaac qaran xooggan.
Hay’addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi baarista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha —si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hogaamin doona Ameerika.
Hay’adda ayaa sheegtay in dhulka ismaamulka Somaliland uu ka mid yahay meelaha ugu istiraatijisan Afrika. Wuxuna dhulkaasi dhacaa meel u dhow marinka maraakiibta caalamiga ah, wuxuu ku yaal gacanka Cadmeed ee Yemen, iyo jaarka Jabuuti oo martigelinaysa saldhigga militari ee kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhiggii milatari ee ugu horreeyay ee Shiinuhu ku yeesho dibadda.
Ha’yadda ayaa sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sano ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.
Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.
Hay’addan ayaa boggeeda ku daabacday in uusan jirin dal ka mid ah caalamka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo si madax bannaan ay ku dhaqmi jirtay soddonkii sano ee la soo dhaafay.
Bogga The Heritage Foundation ayaa lagu daabacay codsi ku aaddan in lagala soo qayb gelo khudbadda madaxweyne, Muuse Biixi uu kaga hadlayo xoojinta xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, taas oo fure u noqon doonto booqashadiisa Maraykanka.