Badankeen ma jecla in ay ka fikiraan ama ka hadlaaan dhimashada, laakiin waxaa jira dad ka hela.
Gobolka Toraja ee jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia dadka dhintay waxay qayb ka yihiin nolol maalmeedka caadiga ah.
Digniin: akhristeyaasha qaar waxaa laga yaabaa in ay dhibsadaan qaar ka mid ah sawirrada warbixintan ku jira.
Gurigan alwaaxa ka samaysan ee aysan oolin alaabadu ee dhawrka sawir ka muuqdaan ee codadku ka dhex yeerayaan naxashkuna ka soo carfayo, waxaa ka jira isu imaatin qoys.
“Aabahaa ka waran?” ayuu qof marti ahi yiri, jawigii ayaana si dhakhso ah isu badalay oo qof kaste wuxuu fiiriyay guri yar oo meel gees ah ka dhisan halkaas oo uu yaalo nin duq ah oo saaraan sariir qurux badan.
Mamak Lisa oo ah gabadhiisa ayaana qofkii su’aalay xaaladda aabaheed ugu jawaabtay “wali wuu xannuunsan yahay.”
Mamak oo muusoonaysa ayaa u dhaqaaqday dhanka ninka duqa ah, iyada ii tartiib u gacanqaadaysa ayay tiri “Aabo marti ayaa kuu timid si ay kuu arkaan, waxaan rajaynayaa in aadan dhibsan doonin ama aadan ka xanaaqi doonin.
Waxayna igu martiqaaday in aan soo dhaqaaqo oo aan la kulmo Paulo Cirinda.
Indhahayga ayaa ku dhaygagay sariirta uu saran yahay Paulo Cirinda oon dhaqdhaqaaqaynin xataa indho libiqsiba ha ahaatee, inkastoo ay igu adkayd in aaan indhihiisa ka bogto awkiyaaalaha uu qabo oon tirtirnayn awgeed.
Jidhkiisa waxaa ku yaalay duleelo badan siddii isaga oo cayayaan cunay, inta badan jidhkiisase waxaa saarnaa maryo.
Waxaase layaab igu noqday markii ay soo galeen carruur yaryar oo uu awoow u yahay oo iska ciyaaraya.
Mid ka mid ah oo qoslaya ayaana yiri “awoowgay muxuu markaste u jiifaaa?, mid kii kalana wuxuu kor u yiri “awoowe toos oo kaalay aan wax cunnee!”
Mamak Lisa ayaa markaas tiri awoowe ha dhibina wuu jiifaa ee, “waad ka xanaajin doontaan”.
Arrinta layaabka leh ayaa ah in Paulo Cirinda uu geeriyooday 12 sano ka hor balse ay qoyskiisu u malaynayaan in uu nool yahay.
Fikirka ah in mayd guriga lagu haysato layaab ayay ku tahay dadka aan halkan deganayn, laakiin hal milyan oo ruux oo ku nool gobolka Toraja ee dalka Indonesia waa dhaqan soo jiray qarniyo.
Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada.
https://youtu.be/0XR_sO1gw50
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view