Siyaasiyiin iyo Aqoon yahan badan baa qaba in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo cod ayagoo u arka in xal u tahay dalka Soomaaliya.
Waa run waa xal in dal Soomaaliya oo kale ah ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod si loogu kala baxo balse Siyaasiyiinta iyo Aqoon yahanka sheega arimahaas inta badan ma sheegaan dhabaha la raacayo iyo Shuruudaha ku hor gudban in doorasho Qof iyo Cod dhacdo.
Waxyaabaha ay tahay la sameeyo marka la qabanayo Doorasho qof iyo cod way badan yihiin balse laba qodob unbaan ka dhawaajinayaa si aad u ogaataan cidda dan ugu jirta Doorasho Qof iyo Cod.
1) Tirokoob ; in la sameeyo tirokoob guud ahaan dalka Soomaaliya waa Shardiga 1aad ee ugu muhiimsan si loo ogaado tirada guud ee dadka Soomaaliyeed iyo waliba tirada xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan, ayada oo aan tan la sameynin in la iska codeeyo oo dadka la yiraahdo haka codeeyaan magaalooyinka nabada ah waa Dulmi cad oo loo gaysanayo qayb ka mid ah dadka Soomaaliyeed.
2) Xadididda tirada deegaan ama degmo Xildhibaan ku heli karto. Qodobkaan waa mid xasaasi ah mana ku baraarugsana Siyaasiyiin badan oo hada iska dhaha Doorasho Qof iyo Cod waa in la qabtaa, dhibka uga imaan kara deegaanada ay ka yimaadaan.
In la xadido Tirada deegaan ku heli karo xildhibaan waa Shardi adag oo lagama gudbaan ah marka la jooga Doorasho Qof iyo Cod; Tusaale ahaan dalalka qaar waxaa Xildhibaan deegaan ku heli karaa boqol kun, halka qaarna ay ku heli karaa in ka badan ama ka yar, waa sida lagu heshiiyo.
Hadii aan u soo gondo dego, waxaa jira beelo badan oo Soomaali ah oo hada xildhibaano badan iska qaata ayagoon la tirin, halka kuwa kalana tiro yar la siiyo ayaga aan oon la tirin maadaamaa wax lagu qaybsado 4.5 oo xal loo arkay. Balse marka la is tiro kobo misana la xadido tirada deegaan xildhibaan ku heli karo waa la kala harayaa, waxaana faaido badan helayo deegaanada dadkiiso tiro badan yihiin.
Sidoo kale, waxaa jira Degmooyin badan oo Soomaali ah oo degmo ah hada xitaa aysan ku noolayn Boqol kun oo qof, halka tuulooyinka qaar oo ka ka tirsan gobolada Soomaaliya ay ku nool yihiin in ka badan boqol kun oo qof taaso Saameynteeda yeelan karta, waxayna wax ka bedeli doontaa xildhibaanada faraha badan ee lagu taxay beelo badan oo Soomaali ah oo xitaa tiradooda aysan dhamayn Nus malyuun.
Waxaan bixin lahaa Tusaalooyin badan oo dhinaca beelaha balse Dadkeena Soomaaliyeed diyaar uma ahan xiligaan in si saraaxo loo wada hadlo ama uma bisla in si run isku sheegidah loo Doodo balse waayaha ayaa ka jawaabi doono.
Runtii in Doorasho qof iyo cod ay dhacdo umadda Soomaaliyeed oo dhan bay dan ugu jirtaa gaar ahaan beelaha la dulmo, laakiin iima muuqato in dhawaanahaan Soomaaliya ay ka dhacayso doorasho Qof iyo Cod, xitaa tirokoobka sida Lixdameyadii loo diidi jiray unbaa loo diidi doonaa, marka waa uun iska riyo Siyaasiyiinta dhahaya 2021 doorasho Qof iyo Cod baa dhacaysa. !!!
Hussein Sahnuni