Home Afsomali Waa Kuma Dr Cabiraxmaan Baadiyow

Waa Kuma Dr Cabiraxmaan Baadiyow


Wuxuu ku dhashay Magaaladda CEEL-DHEER Ee ka tirsan Gobolka GAL-GADOOD, SOOMAALIYA, Sanadkii 1954-kii. Wuxuu ka dhashay Qoys Wanaagsan oo Ahlu Diin ah, Isla Magaaladaas Ayuu Kusoo qaatay Tacliintiisii Aas’aasiga ahayd.
Markii Uu Dhameeyay Taxfiidkii Qu’aanka iyo Tacliintii Aasaasiga ahayd wuxuu Usoo Wareegay Magaaladda MUQDISHO, oo uu kaga biiray Dugsigii Sare Ee JAMAL C/NASIR.
Wuxuu ku Biiray Ciidanki Xoogga Dalka Ee Soomaaliya Sanadkii 1971-kii, Wuxuuna Ka qalin jabiyay Kulliyaddii Milatariga Ee JANARAL DAA’UUD Ee KISMAAYO, Dabadeedna Wuxuu Safar waxbarasho oo Dhanka milatariga iyo Tababarka ah ugu Baqoolay Dal Weynihii la isku oran jiray Midowgii Soofiyeed Ilaa laga soo gaaro Sanadkii 1977-kii. Kadib Qilaafkii soo kala Dhexgalay Soomaaliya Iyo Midowgii Soofiyeeti, Wuxuu Tacliintii Dhanka Militariga u aaday Dalka MAREYKANKA.
Wuxuu ku biiray Xarakadda Islaamiga ah Ee ISLAAX (Taasoo Matasha Dhaqdhaqaaqa Dhexdhexaadnimada Islaamka Ee Soomaaliya ) Sanadkii 1985-kii.
Wuxuu isaga tagay Ciidankii Xoogga Ee Dalka Sanadkii 1986-kii Kadib Markii uu arkay in la marin habaabinayo xumdda SNA

2 Jaamacad ku Taal Dalka #CANADA Ee La yiraahdo McGill University in Montreal, Canada, Halkaasoo uu Ku Diyaariyay master’s degree Iyo PhD Oo Ku Saabsanayd Taariikhda Islaamka Ee Casrigan aynu Noolnahay
Intii uu ku sugnaa Qurbaha, Wuxuu Ahaa Xubin Firfircoon oo Wax ka aas’aasay Ururo Bulsho oo aad u tira Badan Oo leh Waxbarasho, Howlaha Bini’aadanimadda iyo kuwo kale ba Waxaana Kamid ahaa intii uu ardayga ahaa Urur la yiraahdo “the Somali University Students Association (SUSA) in Canada”.
Kaasoo ilaa hadda Shaqeeya 27 sano kadib. Sidaasoo Kale Wuxuu Wax Ka Aas’aasay Ururka Dhawrayaasha Qaanuunka (UDHAQ) IYO Ururo kale oo Bulsho oo fara badan.
Wuxuu dalka Dib ugu soo laabtay Sanadkii 1993-kii Isagoo ah Agaasime Goboleedka Hay’adda Mercy-USA for Aid and Developments’ East Africa Program, Taasoo Wax badan ka qabatay Baahiyaha Dhanka Waxbarashadda iyo Caafimaadka Ee Xiligaas Jiray, Iyagoo Dhisay Xarumo Caafimaad iyo Iskuulo .
Kadib Wuxuu Qabtay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wadaniga ah ee Dib-uheshiiniinta Umadda Soomaaliyeed Sanadkii 1994-kii, Wuxuuna ka Shaqeeyay Dib-u heshiisiinta Qabaa’iladda Soomaaliyeed, Gaar ahaan Qabiiladdii Dagaalka Sokeeye Ku Dhex Maray Caasumadda MUQDISHO.
Ilaa Dadaalkii uu ka mira dhalay kaasoo Gun-dhig U Ahaa Shir-Weynihii CARTA Ee Lagu Qabtay Dalka JABUTI Sanadkii 2000,
Wuxuuna Ka Mid Ahaa Dr Baadiyow Xubnaha Firfircoon Ee Shirka Ka Howl Galayay isagoo ku jiray Xubinna Ka ah !
Wuxuu Noqday Ku Xigeenka Muraaqibka Guud Ee Xarakadda ISLAAX Sanadihii 1999-2008-da iyo Guddoomiyaha Xafiiska Dhanka Siyaasadda Ee Isla Xarakadaas intii u Dhaxeysay 2008-2012-dii. Wuxuu Ahaa Xubin Kamid ah Golaha Shuuradda Ee Xarakada Tan iyo 1995-tii.
Sidasoo Kale Wuxuu Ahaa Maamule Guud iyo Xubin Ka Mid ah Hay’adda Bulshadda Ee (INXA), Taasoo Kaalin weyn ku lahayd Arimaha Bulshada ilaa hadana xoog ku leh Bulshada Soomaliyed Dhexdeeda.
Wuxuu Ka Mid Ahaa Aas’asayaashii Jaamacadda Muqdisho Oo La Aas’aasay sanadkii 1996-kii, Jamacadda Muqdisho Waa jaamacad can ka ah Guud ahaan Gayiga Soomaaliya Waana Jaamacaddii ugu Horeysay Ee Soomaaliya Ka Shaqa Bilowday Kadib Burburkii Dowladii Dhexe iyo Xiligii Uu Dagaalkii Sokeeye Socday, Waxayna Numberka 35-aad kaga Jirtaa Jaamacadaha Afrika !
Shaqo baddan Dalka Ka soo qabtay Hadda Waa la taliye sare xukumadda dalka Waxoo Aminsan yahay Doorsho hal qof hal cod ah In 2021 diyaar Loo naqdo Side kula tahay Adiga !

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.