Home Afsomali 10 waddan oo Afrikaan ah oo leh qiimaha shidaalka ugu sarreeya illaa...

10 waddan oo Afrikaan ah oo leh qiimaha shidaalka ugu sarreeya illaa Maarso 2022

10 waddan oo Afrikaan ah oo leh qiimaha shidaalka ugu sarreeya illaa Maarso 2022

  1. Zimbabwe: Dalkan Koonfur Afrika ayaa ah dalka ugu qiimaha badan shidaalka Afrika. Halkii litir ee batroolka ah ayaa qiimahiisu dhan yahay $2.153. Horaantii bishaan, Wasiirka Tamarta iyo Horumarinta Korontada ee dalka, Zhemu Soda, ayaa sharraxay in qiimaha batroolka oo soo noqnoqda ay sabab u tahay horumarka warshadaha shidaalka caalamiga ah. Zimbabwe maaha waddan soo saara saliid, in kasta oo ay jireen warbixino is khilaafaya oo ku saabsan shidaal cayriin oo laga helay Waqooyiga Zimbabwe ilaa 2018kii.
  2. Seychelles: Jasiiraddan ayaa kaalinta labaad kaga jirta qiimaha shidaalka ee Afrika. Sida xogta aan kuhelayno, Litirkii Batroolka ah ee dalkan ayaa lagu iibiyaa $1.541. Dalku hadda ma soo saaro wax shidaal ah iyo gaas, inkastoo qaar ka mid ah shirkadaha shidaalka ee caalamiga ah ay ku mashquulsan yihiin raadinta kaydka shidaalka ee xeebaha badan.
  3. Malawi: Malawi, halkii litir oo batrool ah waxa lagu soo iibiyaa $1.426. Dalka ayaa la sheegay inuu rajo weyn ka qabo in laga helo kaydka saliidda ceyriin ee harada Malawi.
  4. Koonfur Afrika: Halkan, halkii litir oo batrool ah waxa uu joogaa $1.413. Sanadka 2019, Total Energies ayaa ku dhawaaqday in ay daahfur weyn ka sameysay condensates gaaska mid ka mid ah goobaheeda sahaminta ee Koonfur Afrika. Khubarada ayaa sheegay in tani ay wax weyn ka bedeli karto hantida dalka.
  5. Uganda: Waddankan ku yaalla Bariga Afrika, halkii Litir ee Shidaalka ahi waxa uu joogaa $1.389. Qiimaha batroolka ee Uganda ayaa ah mid aad u sarreeya inkastoo xaqiiqda ah in waddanku dhab ahaantii soo saaro saliid. Baadhitaano ay samaysay Business Insider Africa waxay muujinaysaa in kaydka saliida cayriin ee dalka, laga soo bilaabo 2021, uu joogsaday 2.5 bilyan fuusto.
  6. Mauritius: Dalkan ayaa kaalinta lixaad kaga jira qiimaha batroolka ee ugu qaalisan qaaradda Afrika, waxaana halkii litir lagu iibiyaa $1.381. Mauritius ayaan hadda soo saarin saliid, inkastoo khubaradu ay sheegayaan inay jiraan rajooyin.
  7. Burundi: Waddankan ku yaalla Bariga Afrika, halkii Litir ee Shidaalka ahi waxa uu joogaa $1.340. Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka, dalkani hadda ma laha ilo maxalli ah oo laga helo saliid cayriin ama gaaska dabiiciga ah.
  8. Senegal: Waddankan ku hadla afka Faransiiska ee galbeedka Afrika, waxa uu halkii litir oo shidaal ah ku kacayaa $1.299. Dalku wuxuu helay xoogaa kayd ah oo saliid ah intii u dhaxaysay 2014 iyo 2017, inkastoo sahaminta buuxda dib loo riixay ilaa 2023.
  9. Lesotho: Dalkan, halkii litir oo batrool ah, waxa uu ku kacayaa $1.231. Dalku ma laha kayd shidaal oo la xaqiijiyey.
  10. Ruwaanda: Halkan, halkii litir ee batroolka ahi waa $1.230. Mar kale, dalkan Afrikada Bari ma soo saaro saliid cayriin

 

Previous articleUkraine oo ku baaqday wadahadal nabadeed oo degdeg ah
Next articleFull VIDEO Musharax Madaxweyne ahne Xildhibaan ka tirsan golaha barlamaanka Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan oo weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.