Golaha Ammaanka, Qaramada Midoobe ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay Ergeyga Xogyahayaha QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan: si guud ayuu uga waramay marxalada dalka iyo horumar la taaban karo oo laga sameeyay dowladnimda. si gaar ahna wuxuu ugu nuuxnuuxsaday Hannaanka Doorashada Mr. Swan wuxuu sheegay in marar badan uu MW Farmaajo fidiyay gogol Doorashada looga arinsanaayo.
Heshiiska Doorashada 17 September oo maamuladu wada saxiixeen waxaa heshiiskaas fulintiisa u diyaar garoobay saddex kamida Maamulada Xubnaha Ka Ah Dowlada Somalia “regrettably” waxaa diiday Puntland & Jubaland.
James Swan wuxuu carrabka ku dhufatay inaan la shaki gelin karin sharciyada dowlada hadda dalka ka talisa.
Sidookale wuxuu soo hadal qaaday dhacdadi February 19, oo uu ku sheegay in musharixiintu rabshada & rasaasta ay dhanka dowlada ku eedeeyeen aysan cadeyn oo uu jiro tuhun badan oo muujinaya inuu ahaa banaanbax fowdo.
Waxaa isagana si geeainimo ku jirto u hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Mohamed Abdirizak wuxuu dowladaha shisheeye uga digay inay soo farageliyaan go’aamada masiiriga ah ee Ummada Soomaaliyeed iyadoo la addeegsanayo shaqsiyaad wuxuuna ugu baaqay inay ilaaliyaan sharafka & madax-banaanida Jamhuuriyada Soomaaliya.
Ma xasuusan tahay 2sano kahor Madaxweyne Farmaajo hadalkii uu Nairobi ka yiri “waxaan kasoo xirnay tubooyinki shisheeyaha sidaas darteed wey rafanayaan, waa siyaasiyiin xanaaqsan”
guushu wey dhowdahay