Home Afsomali Dhageyso Banaanbaxayaal la risaaseeyey Xildhibaanadu Xaaraan Bey ku timaadeen waana Wasiiro

Dhageyso Banaanbaxayaal la risaaseeyey Xildhibaanadu Xaaraan Bey ku timaadeen waana Wasiiro

Dibadbaxayaal Saakay aroortii loo diiday in ay ku dibadbaxaan Taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho ayaa soo maray qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay ka mid ahaayeen dowlad diid doonimeyno iyo Erayo kale.

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo Shuxuurtooda muujinayay ayaa waxa ay sheegeen in ay taagersan yihiin dowladda, isla markaana iyaga caburin lagu hayo sida ay sheegeen.

Qaarkood ayaa aaminsanaa in ay heleen waqtigaan dowlad cadaalad ah

Diabadbaxayaasha oo lugeynayay ayaa markii ay soo gaareen Wadada Sayidka oo ku dhow dhismaha Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa rasaas ku furay Ciidamo Booliis ah oo ku sugan Goobta.

Qaar ka mid ah banaanbaxayaasha oo saxaafada la hadlay  ayaa waxa ay sheegeen in ay Sharcidaro aheyd in dad dowladda taageeraya la rasaaseyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.