Home Afsomali Dhageyso Xaaf oo Diyaarad qaas ah Abu Dubai ka soo kireystay Hargeysa...

Dhageyso Xaaf oo Diyaarad qaas ah Abu Dubai ka soo kireystay Hargeysa saacado lagu xanaibay

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada magaalada Cadaado, kadib safar shaqo oo uu kaga yimid magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayay waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyn kadib hadal uu Axmed (Xaaf) siiyay saxaafadda ayaa waxa uu kaga hadlay safarkii uu ku maqnaa iyo masuuliyiintii uu kula soo kulmay magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay Diyaarad uu ka soo raacay magaalada Abu Dubai in saakay aroortii ay soo caga dhigatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu sheegay in uu ku xayirnaa Shan saac, isaga oo tilmaamay Diyaarad uu ka soo kireystay Hargeysa in Dowladda Federaalka ay isku deyday in ay carqaladeyso safarkiisa.

Wuxuu sheegay in uu muuqdo Dagaal aan fiicneyn, wuxuuna afka ku balaariyay Beesha Caalamka, Dowlad goboleedyada iyo shacabka Galmudug in uu ogeysiinayo fara gelin uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku heyso Galmudug.

Dib ugu laabashada Cadaado ee Madaxweyne Xaaf ayaa ku soo aaday, iyadoo uu jiro khilaaf u ka dhashay go’aankii uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Carabta, waxaana go’aankaas ka soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.