Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya oo Saxaafada kula hadlayay Gudaha Magalad Muqdisho ayaa sheegay in marnaba aysan macquul aheyn qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Wasiir Islow ayaa 4; qodob haddii aanay dhicin ku tilmaamay arrin fashil ku ah laamaha nabadgelyaada, kwaas oo kala ah
- In maalinka Axadda haddii la keeni waayo 4; Askari oo ka maqneyd Isgosyka Via Roma, iyo sababta ay uga maqnaayeen shaqada ay saraakiil badan galaan xabsi
- In la helo sababta loo qaban waayay dadkii weerarkaas geystay, haddii kalana ay xilka ku waayi doonaan madax uu wasiir Islow kamid yahay
- In la caddeeyo sababta uu u baxsaday gaariga laguu adeegsaday weerarka iyada oo ciidanka y u xiran yihiin illaa KM5
- In la sheego sababta aanay u difaacin askartii joogtay xilligii weerarku dhacay
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Madbacado daabaca Warqado digniin ah isla markaana Al-Shabaab qaata amarkooda balse diida Warqadaha ay dowladdu u baahan tahay.
Wasiir Islow waxaa uu ka hadlayay Xarunta Jen Kaahiye oo maanta lagu soo bandhigay3;Qof oo lagu eedeeyay in ay Dukumiintiyo been abuur ah daabacayeen,kuwaas oo amniga magaalada dhibaato ku hayay.
“Waxan la soconaa xiligii aan Golaha Wasiirada horgeynayay Sharciga la dagaalanka Argagxisada in ay jireen Madbacado qaarkood in Warqadihii ay diideen in ay daabacaan iyaga oo sheegay in ay cabsanayaan, anaga kama yeeleyno hadalkaas runtii waan ku daba joognaa waana soo qaban doonaa ayuu yiri Wasiirka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga