Home Afsomali Dhageyso Xukunka Maxkamda sare ee Dowlad Goboleydka Galmudu ay ku kala eriday...

Dhageyso Xukunka Maxkamda sare ee Dowlad Goboleydka Galmudu ay ku kala eriday Maamulkii sare ee Galmudug

Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa ku dhaqaaday in go’aan cadaaladeed oo Taariikh leh ka soo saarto dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Cadaado oo ku saabsanaa khilaafka Madaxda Galmudug, kadib war qoraal ah oo maanta ka soo baxay.

Garsoorka iyo xubnaha kale ee Maxkamadda Sare ayaa maalmahan waxa ay wadeen kulamo ku aadan sidii ay go’aan uga soo saari lahaayeen khilaafka isqab qabsiga ka dhashay ee ka taagan magaalada Cadaado, maanta ayayna ku dhawaaqday go’aanka kama dambeysta ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo maanta magaalada Cadaado kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay go’aankii 26-kii September xildhibaanada Galmudug ay xilka uga qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) in uu yahay mid sharci ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in iyana ay sharci tahay go’aankii xildhibaanada Galmudug 30-kii September ay xilkii uga qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Waxaa kaloo Maxkamadda Sare ee Galmudug ay sheegtay inuu xilkiisa waayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Xareed Cali Xareed oo ay sheegtay in degaanada Galmudug uu ka maqnaa 118 maalmood.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ayaa waxay fartay Guddoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Aadan Macalin inuu noqdo Ku simaha Madaxweynaha Galmudug, inta Madaxweyne cusub laga soo dooranayo.

Yaxye Sheekh Cali Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa shalay oo Isniin aheyd dib ugu laabtay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, isaga oo isla maanta go’aan ka soo saaray khilaafka Galmudug.

S

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.