Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Axmed Jimcaale Geedi “Cirfiid” iyo Madaxda Hooganada Saadka iyo wardoonka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka oo uu kamid yahay Abaanduulaha Cidanka Xoogga Dalka janeraal Cabduulaahi Cali Canood
Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu Generaal Cirfiid ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagula dagalamayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.
Sidoo kale,Generaal Cirfiid oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Taliyaha ayaa markii uu gaaray Bariire waxa uu kulamo la qaatay saraakiil kale oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo halkaasi ku sugan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Ciidankii ka qeyb galay Dagaalkii Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidanka ee bariire kaas oo ay ku dhinteen Ciidan badan.
Dagaalamayaash Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna ku dileen Ciidan ka tirsan kuwa Xoogga Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka