Wararka naga soo gaaray degmada garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in banaanbax looga soo horjeedo shirkii dhawaan madaxda maamul gobaleedyada ugu soo dhamaaday magaalada kismaayo ee gobalka jubada hoose.
Boqolaal ka mid ah Shacabka degmada Garbahaareey ayaa ka qeyb galay banaanbaxaas.
Dadka bananabxa dhigayay ayaa waxa ay sheegen in War-Saxaafadeedkii ka soo bxay Madaxda Maamul Goboleedyada uu yahay mid aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Dadweyne aad u fara badan ayaa ka qeyb galay banaanbaxa,waxaa ayna sheegeen inay aad ugu xun yihiin shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada kismaayo ee laga soo saaray ku dhawaad ilaa iyo 16 qodob.
Waxa ay sheegeen in ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay diidan yihiin cid kasta oo dowladda ka soo horjeeda.
Qaar ka mid ah dadka banaanbax soo qaban qaabiyay ayaa sheegay inaad ugu soo horjeedaan banaanbaxaasi,islamarkaana aysan dulqaadan Karin madaxda maamul gobaleedyada ay shirk u yeeshaan magaalada kismaayo,islamarkaana ay ka soo horjeestaan dowlada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Banaan baxayaasha.
Waxan dib u qiimeeyey war-murtiyeedkii ka soo baxay madaxdii ku shirtay Kismaayo.
Waxan dul istaagay sheegashada ay madaxdaas sheegteen in ay ka taliyaan 90% dalka.
Waxan is weydiiyey waxa ka jira sheegashada mas’uulka aan tegi karin caasimadda maamulkiisa ee Dhuusa- Mareeb (Xaaf); Baraawe (Sherif Xassan); Bu’aale (Axmad Madobe).
Waxan in is weydiiyey waxa u dhaqan madaxweynaha ku xigeenkiisii ka carooday sida uu wax u wado, welina ku maqanyahay; kan ku xigeenkiisii ugu jiro xabsi guri; kan aan la caleema saarin weli oo xafladdiisi tahay 16 Oktoobar oo aan lahayn ku xigeen, xukuumad, xafiis, iwm; kan deggan xero AMISOM (Ethiopia); kan aan dhaafi karin goobweyn.
Sheegasho beer ma fasho, faankana ninkii sheegto ha raaco, arrintana waa “Ilaahii na ogoow ha na sheegin.”
Sheegasho ha ii dambaysee, maxaa odaaysha is maqiiqay maamul ah oo isugu toosan;