Xarunta ugu weyn Ururka Bisha Cas qeybta Soomaaliya gaar ahaan magaalada ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Qaraxii Zoobe 14-kii bishan, kaasi oo khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba u geystay, maadaama Daarta Bisha Cas ay ku tiilay Isgoyska Zoobe.
Madaxa Warbaahinta Bisha Cas ee Soomaaliya C/risaaq Maxamed Faarax ayaa sheegay Qaraxii Zoobe Bisha Cas in uu ka soo gaaray khasaare hantiyadeed iyo mid nafeedba, maadaama Qaraxa uu ahaa mid xoogan oo dilay boqolaal qof.
Wuxuu sheegay dhacdadii Zoobe Hay’adda Bisha Cas in ay uga dhinteen shaqaale gaaraya 6 qof, halka ay uga dhaawacmeen ilaa 15 qof, iyada oo ay u sii dheertahay in burbur xoogan uu soo gaaray daarta Bisha Cas, sidoo kalena ay gubtaan Gawaari ay leeyihiin Hay’adda iyo shaqaalaha.
C/risaaq ayaa inoo sheegay dadka ka geeryooday Bisha Cas in ay ka mid ahayeen Maxamed Maxamuud Barqadle, Cali Nuur, Aadan Cabdulle, Asad Cabdulle Axmed, Aadan Yuusuf Cali iyo gabar kale oo lagu magacaabo Safiyo.
Hay’adda Bisha Cas oo dhibkaasi uu soo gaaray ayaa hadana waxa aysan ka seexanin dadkii ay dhibaatada soo gaartay, waxayna har iyo habeen u taagneyd in ay door lixaad ka qaadato gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.