Munaasibadaan lagu sagootinayey xubno iskuugu jiray dhaqaatiir iyo kooxaha gurmadka cafimaadka deg deg ah ee dalka walaaha aanu nahay ee reer jabuuti ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho
waxaana soo agaasimay ururka haweenka qaranka somaliyeed oo ay hormuud u aheyd gudoomiye BAtuulo shaikh axamed gabale ayaa waxaa abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyey kooxihii dalka u yimid masuubadii qaran ee zoobe ka dhacday bishaan 14 keedii
gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed Maama batuulo sheikh Axmed gabale ayaa faahfaahisay ujeedka kulanka iyo qorsha ay u soo agaasimeen
Dr Xusen Axmed Gadiid oo hogaaminayey kooxdaan mutadawiciinta ah ayaa sheegay howlihii ay u qabteen dhawacyadii iyo ujeedka socdaalkooda wuxuuna u mahadceliyey dhamaan shacabka iyo masuuliyiintadalka
samafayaasha ayaa ka koobnaa 25 xubnood oo isugu jira dhaqaatiir caafimaad kalkaaliyayaal caafimaad iyo iyo xubno kale oo uu soo diray madaxweyne Ismaaciil cumar geel