Home Afsomali Kenya oo sheegtay inay dishay Xubno katirsan Al-Shabaab

Kenya oo sheegtay inay dishay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa la sheegay inay dileen ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kula galeen deegaan ku dhow soohdinta ay Kenya la wadaago Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Kenya ayaa lagu sheegay in hay’adaha amnigu ay weerar ku qaadeen xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin degaankq Sedahgose oo ka tirsan degmada Gaarisa.

Xerada ayaa waxaa ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay gacanta ku dhigeen hal dagaalame oo nool.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii dowladda Kenya ay boqolaal askar ah geysay si ay u xoojiyaan ammaanka magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.