Home Afsomali Safiiro Xilwareejin iyo xil xayuubin iyo sii hayaal safaaradeed magacyada ka bogo

Safiiro Xilwareejin iyo xil xayuubin iyo sii hayaal safaaradeed magacyada ka bogo

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay Safiirada illaa 8 dal oo bishii hore loogu yeeray inay dalka ku yimaadaan muddo 30 cisho ah, si isbedel loogu sameeyo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is bedelo la doonayo in lagu sameeyo Safiiro muddo xil heyntooda ay dheeraatay, waxaana wajiga hore la bedelay illaa 8 Safiir oo kala ah, Jabuuti, China, Uganda, Sudan, Kuwait, Qatar, Abu Dhabi iyo Zambia.

8 Safiir ayaa lagu bedelay illaa 8 Diblomaasi oo si hayeyaal ah oo midkood uu yahay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si KMG u heyn doona xilka Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka Zambia.

Waxaa sidoo kale Safaaradaha China, Jabuuti, Abu Dhabi, Kuwait, Qatar iyo Uganda Sii hayeyaal ka noqda Diblomaasiyiintii hayay xilalka La Taliyaha Koowaad, taas oo ka dhigan in loo eegay habka kala sareynta Diblomaasiyadda.

warku wuxuu sheegayaa in is bedelka wajigiisa labaad uu saameyn doono Safiirada Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Jarmalka, iyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai.

warqada lagu bedelay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Jabuuti Mr C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), waxaana lagu bedelay oo Sii haye laga dhigay C/raxmaan Maxamed Hiraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.