Home Afsomali Dhageyso Baladweyne Dhbaato aan caadi aheyn oo ka taagan iyo lacagta shilin...

Dhageyso Baladweyne Dhbaato aan caadi aheyn oo ka taagan iyo lacagta shilin soomaaliga ah oo gabi ahaanba aan ka shaqeyneynin

Magalaada Baledweyne oo dhacda Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ay muhiim u tahay isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa Ganacsiga dalkeena Soomaliya hayeeshee Bulshada Magaladaan waxaa mudo dhowr Bilood ah haysato caqabado aan xal loo haaynin taasoo ah in gabi ahaanba laga diiday lacagta Shilinka Soomaaliga ah

Hadaba dhageyste hadii aan kuu sheekeeyo waxaa suurta gal ah in hadalkeyga qaar dhagahaadu in eeysan aqbalin taasoo ah in Magaalo Somaaliya ka mid ah laga isticmaalo lacagta dollarka Mareeykanka oo kaliya .

Hadii aad tahay qabaar mooge aan kula socodsiiyo xaalada dhabta ah ee Baled weyne ka taagan hadda waxaa aan ku suganahay goob ay ku yaallaan dukaamo laga adeegto, Maqaayado iyo goobo kale oo Ganacsi yar yar ay ku yaalaan bal aan la sheekeeysto qaar ka mid ah Bulshada Magaalada.

Cabdul Casiis waa Wiil aan da’diisa ku qiyaasay 12 jir waa caseeyo u shaqeeya hooyadiis oo tira Caruur ah hayso waxaa aan fadhina labadeenu Afaafka hore ee Hoteel Beerlula waxaa uu iga sheekeyay dhibaatoyinka ka haysta lacagta EVC PLUS-ka kadib markii meesha laga saaray Shilinka Somaaliga.

Si kastaba waxaa marba marka ka dambeeysa cirka isku sii shareeraya sixir barar ganacsatadu ay ku micneeyeen in uu yahay wax sameey ku yeeshay guud ahaan gobalka Hiiraan

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta 

 

 

Dhanka youtubka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.