Home Afsomali Dahegyso ehelada iyo dhaawacyadii yaala ispitaalada dalka turkiga oo u mahadceliyey Dowlada...

Dahegyso ehelada iyo dhaawacyadii yaala ispitaalada dalka turkiga oo u mahadceliyey Dowlada iyo Raiisl wasaare kheyre iyo dhaawacyo weli koomo ku jira ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali kheyre oo Maalintii labaad ku sugan dalka turkiga ayaa booqday Isbitaalo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qarixii 14 Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan Kormeeray Isbitaalada ay yaalaan   dadka dhaawacyada ah la jiifiyay ee Gudaha Turkiga.

Booqashada ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ku wehliyay dhigiisa dalka Turkiga Wasiirka amniga Soomaaliya  iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow, Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo xildhibaan Caasho Koos.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore galay qol ay jiifaan 5 ka mid ah dhaawacyada dadkaasi oo Koomo ku jira,si uu u ogaado xaaladooda.

Xildhibaanada ku wehliya booqashadiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay sheegen in dowladda dhaawacyadaan asyan soo qaadin klaiya balse ay weli daba joogto sidii ay ku heli la haayeen daryeel Caafimaad isla markaana dowldda ay bixin doono waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Ehelada dadka dhaawacyada la jira kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay dhibaatooyinka heesta ee u baahan xal helista.

Hoos Ka  Dhageyso Codka

 

dhanka youtubka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.