Sida lagu qoray wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee Sonna, safiirka Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi ayaa ciidamada ku wareejiyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).
Ciidamadaas ayaa munaasabad loogu qabtay xarunta ciidamada ee Janaraal Gordan, halkaas oo ay ku soo bandhigeen tababarada ay soo qaateen. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Waxaan dadaal xooggan ugu jirnaa sidii ciidammada xooga dalka ay u heli lahaayeen tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta ah si ay argagaxisada Al-Shabaab uga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaa,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la dar-daarmay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ay tababareen isla markaana qalabeeyeen dawladda Imaaraadka Carabta, lagu wareejinayay taliska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka ee gacanta ay ku hayso dawladda Imaaraadku, ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen xoreynta dalka. Waxuuna u sheegay in looga fadhiyo door lixaad leh iney ka qaataan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.
“Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya. Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada Al Shabaab”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre oo u mahadceliyey dawladda Imaaraadka ee gacanta ku haysay ciidamadani.
Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dawladdu ay muhiimadda koowaad siineyso sidii ay xuquuq dhameystiran u heli lahaayeen ciidamadu, si ay u gutaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda.
“Waxaa la idin saaray masuuliyad weyn oo ah difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad argaixisada ka xoreysaan, anaguna waxaan ka shaqeyneynaa inaad heshaan waxa aad u baahan tihiin. Madaxda qaranka oo anigu ugu horeeyo waxay idin kugu imaan doonaa furimaha dagaalka, waana idin garab istaageynaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan CIiidanka Xoogga dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhowaan si aan qarsooneyn u sheegay in “aysan Al-Shabaab ka adkaan karin ayadoo aan la helin ciidamo tababaran oo qalabkooda u dhameystiran yahay.”
Wuxuu caalamka ka dalbaday in ay ka caawiyaan dhanka ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda xiriirka la leh Al-Qacidda ee Al-Shabaab.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidammadan uu u dhameystiran yahay qalabkooda “ayna diyaar u yihiin xureynta dalka”.
“Qalabka ay haystaan wuxuu isugu jiraa hub iyo gaadiid. Taliyayaasha ciidamada waxaan u sheegayaa in ciidankaas ay ku xirnaandoonto sida aad ula dhaqantaan, natiijada ay dagaalka ka soo hoyaan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.
Wuxuu dowladda Imaaraatka uga mahadceliyay tababarka ay siisay ciidamadan ka tirsanaan doona xoogga Soomaaliya.
Isbuucii tagay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu booqday dalalka Ugandha, Jabuuti iyo Itoobiya, wuxuuna u muuqday in uu raadinayay taageero dheeraad ah oo dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay u baahan tahay ciidammo si wanaagsan u tababaran oo ka qeybgala sugidda amniga Soomaaliya.