Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe lacag dhan hal million oo dollar ah
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.
Rasiisal wasaaraha Xukuumada Somaliya xasan Cali Kheyre oo ka qeybgalay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday waxyeelada uu geystay qaraxii Musiibo qaran ee ka dhacay isgoyska zoobe wuxuuna sheegay in shacabku ay ka foojignaadaan kuwii soo maleegay oo xili kasta laga filan karo in ay geystaan qaraxyo ay dad badani wax ku noqon karaan
dhanka kale raisal wasaaraha ayaa hadalkiisa laga dareemayey digniino iyo baaqyo kala duwan oo ku wajahan shacabka somaliyeed
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen sida uu hadalka u dhigay dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.
Musiibadii zoobe ayaa ahaa midka ugu sameynta badan taarikhda qaraxyada somaliya ka dhaca Muuse