Home Afsomali dowladu waxay baafineysaa ka hor bisha december shaqaale ama ciidan dowladeed oo...

dowladu waxay baafineysaa ka hor bisha december shaqaale ama ciidan dowladeed oo aan mushaar qaadan Dantaadu waa daryeelka Dowlada nabad iyo nolol ee Maxaa loo dig iyo dam leeyahay dhageysi wacan

la soco Dowlad diida waa sharci iyo kala danbeyn diid  la soco dowladeena hadaan wax xun ka sheegno in u cadowgeenu ku farxayo

Qof dalkiisa iyo madaxsiisa caayey waa shaqsi gurigiisa wax ka sheegay dowlada dhaliil waa loo soo jeedin karaa waxii ay ka qaldan tahayna waa waajib qaran oo ina saaran balse waxaa wax laga xumaado ah in aad dhaleeceyn dusha ka saarto taasoo aan dareenkaaga ka soo go,in balse aad isleedahay ku qaado al-yoomka maalintaas

mucaarad dal kasta waa leeyahy balse malaha dal dumiye raali laga wada yahay

Hadii aad dowladaada aad ku jilaafeyso hadalo aan macno laheyn adiga oo soo xiganaya shaqsi xil waayey ama dano gaara leh aday ku taal

waxaan la soconaa qaabkii ay xukuumadu uga jawaabtay masiibadii zoobe sida loo maareeyey deeqihii waxbarasho iyo shaiqaaleysiintii dhalinyarada jaamacaha ka so qalin jabiyey

haatan waxaa miiska saaran sidii Muqdisho ay u heli laheyn karonto dowladu leedahay oo qiimo jaban waxaa la filayaa in biyo laga keeno ceelsha ku yaal degaanka jabad geel iyo eel cirfiid oo horey Muqdisho biyaha uga cabi jirtay

suxulada ayaa subag laga leef doonaa ee yaan liicin xukuumadu

Xukuumadihii ama dowladihii dalka soo marey tan xasan cali kheyre waxaan oron karnaa waa tii ugu macquulsaneyd xaga wax u qabashada bulshada la dagaalanka musuq maasuq ee xeysiga iyo qaraabo kiilka inta badana waxaa lagu mucaaradaa waa quuri waa ee ma,aha wax kale

Haatan dowladu waxay baafineysaa ka hor bisha december shaqaale ama ciidan dowladeed oo aan mushaar qaadan taasi oo aan ka dheehan karno sida ay isaga xilsaartay gunooyinka iyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada qaranka,Dowlad diida waa sharci iyo kala danbeyn diid

Dalka sidii lii dhisaaw day 

1) Dhismaha Xarunta Xisbiga : Dowladda Qatar ayaa dayactir ku sameyn doonto Xaruntii hore ee Xisbiga oo la doonayo inay hadda kadib noqoto Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo meesha uu dagi doono.

2) Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta: Heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah in dib loo dayactiro Dhismaha wasaaradda Qorsheynta.

3) Dhismaha Wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Jowhar: Dowladda Qatar ayaa dhiseyso jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid aad u burbursan, waxaana laga dhigi doonaa Wadado laami ah oo loo dhisi doono qaab Casri ah.

4) Dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Shabeelada Hoose: Sidoo kale heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah dhismaha jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Shabeelada Hoose.

5) Mashaariic laga fulinayo Gobolada dalka: Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mashaaric hormarineed oo aad u weyn ka fulin doonto qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya
6)Mashaariic Horumarinreed oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale laga fulinayo.

 

 

 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.