Home Afsomali Dhageyso in aysan Kismaayo ka dhceynin Cayaaraha Gobolada

Dhageyso in aysan Kismaayo ka dhceynin Cayaaraha Gobolada

Tartanka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ee horey loo qorsheeyay in sanadkan ay ka dhacaan magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa la go’aamiyay in loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Xalay waxaa Muqdisho ka dhacay kulan looga hadlayay martigelinta Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuuymadda Soomaaliya iyo Wasiirada Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada.

Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay Tartankii Ciyaaraha in sababo farsamo awgeed looga soo wareejiyay Kismaayo, laguna cayaari doono magaalada Muqdisho.

Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in weli uusan diyaarsaneyn Garoonkii loo qorsheeyay in lagu qabto ciyaarta ee Kismaayo, wuxuuna tilmaamay jadwalka Tartankan inaanay waxba iska bedelin, ayna bilaabanayaan cayaaraha 07-da December ee sanadkan.

Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo sanadkan diyaar garow badan laga sameeyay ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Bishii July ee sanadii 2016-kii Tartankii Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ee lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ku guuleystay Maamulka Puntland, halka Jubbaland ay kaalinta labaad soo tiigsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.