Iska horimaad u dhexeeya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Goor dhow ka dhacay Magaalada Afgooye,waxaana la sheegay in isku dhaca uu geystay Dhimasho iyo Dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in Bartamaha Magaalada Afgooye ay kuwada Dagaalameen Qasnajiga Degmada iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye ka dib markii uu muran lacageed uu soo kala dhex galay,waxaana ku dhintay Iska horimaadka mid kamid ah Shaqaalaha Maamulka Degmada Afgooye,iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo mid ka mid ah Mas’uuliyiintii Dagaalamay.
Xaaladda Degmada Afgooye ayaa maanta ah mid Kacsan,waxaana Degmada laga dareemayaa Xiisadda ka dhalatay Dagaalka dhexmaray Mas’uuliyiinta ka wada tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dhanka kale waxaa isla Degmada Maanta lagu dilay Nabaddoon Caan ka ah Degmada Afgooye oo Magaciisa lagu soo koobay Nabaddoon Ibraahim Dabliiq,waxaana la sheegay in Dilka ay geysteen Dableey Bastoolado watay.
Degmada Afgooye waxaa ku soo kor-dhay Falal Ammaan daro,waxaana la sheegay in la Boobay Goobo Ganacsi oo Degmada ku yaalla Habeenadii la soo dhaafay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Koofur Galbeed oo ku aadan Iska-horimaadka iyo Dhaca magaalada Afgooye ka dhacay.