Home Afsomali Dowlada Somaliya oo ku guuleysata Xabsi ka sii deynta Wariye Maxamed Aweys...

Dowlada Somaliya oo ku guuleysata Xabsi ka sii deynta Wariye Maxamed Aweys Muudey

Dowlada Somaliya oo kashaneysa Safaaradda Soomaalida ee Addis  oo ku guuleysatay siideynta Wariye Maxamed Aweys Muudey oo dadaal dheer ka dib oo in mudda ah ku xirnaa Ethopia , hadana sida warar ku sheegayaan Maalmaha Soo socdo Ku soo jeeda Muqdisho.

Xogtaan waxaa  laga soo xigtay Agaasime Sayid Axmed

Qunsul Abdullahi Warfa isaguna shaqo waxa una sheegay in uu shir jaraaid ku qaban doono marka uu soo gaaro Garoonka Muqdisho.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo Ku Magac Dheer Boqorka Bartamaha oo si weyn looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya ayaa ku xiran Xabsi ku yaal Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Boqorka Bartamaha ayaa Xabsi la dhigay kadib markii Qarax ka Dhacay meel u dhow Xaafadda ay Soomaalida degto ee Bolle, halkaasoo howlgal ay Ciidamada Amaanka ka sameeyeen ku Qabteen Wariye Boqorka Bartamaha iyo Dad kale.

wariyaha oo lagu eedeeyey in uu ku luglahaa falal aragagixiso ayaa maxkamadi ku xakunta 27 sano wuxuuna xirnaa ku dhawaad 10 sano

bartamahaWariyaha ayaa Addis Ababa u joogay inuu kasii Dhoofo, wuxuuna ka mid ahaa Wariyeyaasha Naftooda kala Cararay magaalada Muqdisho. iyadoo ay xusid mudan tahay inuu ka mid ahaa Waariyeyaashii ku Dhaawacmay Qaraxii Hotel Shaamo. Waxaase Nasiib Daro ah in Maanta loo Xiro Shaki looga Qabo Kooxihii uu Naftiisa kala cararay.

 

Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa dhaqdhaqaaq ku aadan dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira iyo Wariyahanba ay xil iska saartay waxayna ku guuleysatay sii deynta Boqorka Bartamaha oo ay si adag ugala hadashay Dowladda Ethiopia

Ehelada Wariyaha ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa daaliyo dabaglo ku sameysay arintiisa oo  mudo dheer ku xirnaa Xabsi ay leedahay Dowldaasi

Boqorka Bartamaha waxaa lagu xasuustaa Barnaamijyada Arimaha Bulshada sida fanka iyo suugaanta ee Raadiyo Muqdisho Berisamaadkii, waxa uu sidoo kale ahaa jilaa waxana uu kasoo shaqeyay idaacado Dhowr ah isaga oo Mehnada Saxaafadana ku jiray Mudo ka Badan ku Dhawo 30 sano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.