Qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa gal dacwadeed lid ku ah Weeararkii lagu Qaaday Xarunta Xisbiga wada jir oo ay ku geeriyoodeen ilaa 5 ruux ka futay Maxkamada Cidamada Qalabka sida
Iyada oo uu horey u sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee Dowaldda federaalka Axmed Cali Daahir in Cabdiraxmaan Cabdishakuur la qabtey oo la xirey kadib markii lagu tuhmey in uu gacmaha kula jirey arrimo lagu duminaayo qaranka looguna adeegayo dalal shisheeye
Waxaana Maxkada Gobolka Banadir oo la horgeeyey ku dhawaaqday in Xeer ilaalintu ku guul dareysatay in ay maxkamada horteeda keento cadeymo ku filan sidaana lagu sii daayey
waxayna galdacwadeed ka furteen maxkadmada cidamada qalabka sida
Hadaba Qaar ka mid ah Wakiilada Xisyada oo Warbaahinta shir jaraid qabtay ayaa soo dhaweeyey qaabka gal dacwadeedka xisbiga wadajir u furtay waxayna sheegeen in sharciga lagu kala baxo oo uuna sharciga qofna ka sareyn waxayna hey.adaha Garsoorka ka codsadeen in arintaa deg deg go.aamn looga soo saaro