Home Afsomali Dilal qorsheysan oo ku soo kordhay Magaalada Muqdisho iyo kuwii ugu danbeeyey...

Dilal qorsheysan oo ku soo kordhay Magaalada Muqdisho iyo kuwii ugu danbeeyey ee ka dhacay

Dilal qorsheysan ayaa waxa ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho xalay, kadib markii dabley hubaysan ay fuliyeen dilalkaan qorsheysan.

Degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, ayaa xalay waxaa lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, kadib markii ay beegsadeen dhaliyaro wadatay bistoolado, kuwaasi oo toogtay askariga.

Dilka kadib raggii hubaysnaa ayaa meesha ka baxsaday, iyadoo ciidamada NISA ay tageen goobta markii dambe, halkaasi oo ay ka qab qabteen tiro dhalinyaro ah.

Sidoo kale askari ka tirsan ciidamada Militariga ayaa lagu dilay Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Askariga la dilay, ayaa waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Militariga Somaliya, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan.

Rag Bistoolado watay ayaa ka dambeeyay dilkiisa, kuwaasi oo iyagana ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen.

 

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Qof shacab ahaa ku toogtay nawaaxiga Ex Koontarool ee Magaaalda Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu ahaa Darwal ka shaqeyn jiray gawaarida dadweynaha.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, inkastoo aysan faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilal qorsheysan, iyadoona Xalay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda lagu dilay degmada Waabari ee G/ Baanadir.

Illaa iyo hadana ma jirto wax faah faahin oo ay saraakiisha Laamaha Ammaanku ka bixiyeenm dilalkaaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.