Home Afsomali Kenya oo soo kordhineyso ciidamadeed ka joogo gayiga somaliya sibuga qeyb qaataan...

Kenya oo soo kordhineyso ciidamadeed ka joogo gayiga somaliya sibuga qeyb qaataan dhul boobka xaduud beenaadka ay wadaan masuuliyiinteedu

Xogta ayaa sheegaysa in dowladda Kenya ay hadda dooneyso iney xoojiso ciidamada ka jooga Soomaaliya walibana tiro aad u badan kusoo darto.

Ulajeedka ciidamadan ayaa lagu sheegayaa iney tahay sidii ay Kenya u xoojin lahayd boobka ay ku hayso dhulka Soomaaliya, iyadoo ciidamadan la geyn doono dhanka Gedo oo boobka ugu xooggan uu ka soconayo.

Ciidamadan ayaa waxay caawin doonan shaqaalaha Kenya usoo dirtay Xuduudda kuwaasi oo weli dhismaha wada, waxaana ay gudaha usoo geli doonaan magaalooyin dalka kamid ah.

Kenya ayaa si ay u xalaleysato Badda Soomaaliya waxay soo durkisay calaamadihii xuduudda ee rasmiga ahaaa, waxaana ay qabsadeen meello kamid ah B/xaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.