Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,haddana xubin ka ah xisbiga Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland Ismaaciil Hurre Buubaa,ayaa ku baaqay in lakala diro Baarlamaanka maamulkaasi.
Buubaa ayaa ku dooday in Xubnaha Baarlamaanka Somaliland ee kuraasta ku fadhiya ay waqti badan meesha fadhiyaan islamarkaana aysan jirin doorasho baarlamaan.
Waxaa uu xusay in Xildhibaannada loogu talagalay in shantii sanaba mar la doorto hayeeshee kuwa hadda jooga ay 10 Sano dhaafeen islamarkaana waliba sii fadhiyaan.
Waxaa uu ka digay in haddii ay sidaa ku sii socoto in ay hadhow yiraadaan nalama beddeli karo,taas oo uu sheegay in ay muhiim tahay in hadda laga hortago oo lakala diro sida uu sheegay.
Dhinaca kale Buubaa waxaa uu Somaliland iyo Puntland ugu baaqay in ay dejiyaan colaadda Tukaraq waxaana uu labada maamulba kula taliyay in uusan dagaal dan ugu jirin hadda adduunyaduna ka gudubtay ismaquunin oo diblomaasiyad looi gudbay.