Wararka ka imaanaya magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in Ciidamadda maamulka Somali-land ay xabsi dhigeen Weriyayaal muuqaal ahaan u baahiyay calanka Soomaaliya, iyo koob loogu magac-daray Madaxweyne Farmaajo kaasi oo magaaladaas ka dhacayay.
Ciidamadda Booliska Maamulka Somali-land ayaa howlgal gaar ah ay sameeyeen waxay kusoo qabteen wariyayaashaan oo ay ku eedeen in dunidda ay gaarsiiyeen muqaal aan u cuntamin Somali-land.
Dhanka kale Maaamulka Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ee Somali-land ayaa joojiyay Koobkii loogu magac-daray Farmaajo ee ka socday magaaladaas,waxayna sheegeen in cidii dib u bilowda ay Maxkamadd lala tiiigsan doono.