Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa maanta dekadda Muqdisho ku dhexdilay Taliyhiisa oo lagu magacaabayay janaraal Saciid Mariino oo ka tursanaa ciida badda ee somaliaya.
Taliyaha la dilay ayaa sarkaalka dilay waxaa uu ahaa ku xigeenkiisa waxaana uu dilka ka dhacay xafiis ay ku dhex leeyihiin Dekadda Magaalada Muqdisho.
Taliyaha la dilay iyo sarkaalka ayaa waxaa ay ku murmeen lacagaha canshuurta ah ee laga qaado Dekadda Muqdisho,iyada oo murankooda uu sababay in ku xigeenka Taliyaha uu rasaas la dhoco taliyaha sidaasna ku dhinto.
Ciidanka amaanka Dekadda Muqdisho ayaa xiray taliye ku xigeenka dilka u geystay Taliyihiisa,waxaana uu hadda ku jiraa Xabsiga Muqdisho.
Ma jirto wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen saraakiisha dowlada falkaas.