Home Afsomali Keyna oo dooneyso in ay xalaaleysato dhul soomaaliyeed siina wado dhismaha darbiga...

Keyna oo dooneyso in ay xalaaleysato dhul soomaaliyeed siina wado dhismaha darbiga xaduud beenaandka

xaduud-beenaadka

Kenya ayaa sheegtay in Derbiga ay ka dhiseyso Xaduud beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu dhameystiri doono 75 maalmood si looga hortago Weerarada Shabaab.

Keyna ayaa dooneysa iyada oo marmarsiinyo alshabaab ka dhiganerysa in ay darbiga ku xalaaleysato dhulka N.f D loona aqoonsado dhulka ku jira xeebdaabka derbiga in uu yahay dhul kenya leedahay

Ma jirto cid kala hadleyso arintaa waxaaana laga sugayaa in ay arintaas ka hortagaan dagaalyahanada mujaahidiinta somaliyeed ee dhalinta yar

si kastaba Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Derbiga ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay dhameystiri doonto Mudo ku siman 75 Maalmood Gudahood.

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in Dhismaha Derbigu uu hadda marayo Meel Wanaagsan islamarkaana uu Qorshahoodu yahay in 75 Cisho Gudaheed lagu soo Afmeero.

Kenya ayaa sheegtay in Dhismaha derbiga ay ku qasabtay Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Gudaha Kenya,waxaana ay sheegeeysaa in ay Derbiga Dhismihiisa ay Xoogga saari doonto si loo yareeyo Weerarada Shabaab.

Derbiga ayaa Dhirir ahaan gaaraya illaa 30 KM oo ku yaalla Xadka,waxaana Dowladda Soomaaliya ay horay uga hortimid Dhismaha Derbiga ay Kenya ka wado Xadka.

Madaxda soomaalida ayaa ku mashaquulsan is heysid dhaxdooda ah koolanka kuraasta waxaana haatan soo baxday in ay maamuladu isku heystaan soohdimo gudaha ah oo ay u dheertahay sameysashada calamo u gooni ah si da.da ayar loo ilowsiiyo calanka dalka iyo dadka,

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.