Home Afsomali Muqdisho taliye gudaha garoonka lagula qabtay hal malyuun oo doolar sii aqri

Muqdisho taliye gudaha garoonka lagula qabtay hal malyuun oo doolar sii aqri

 

Sida laga soo xiganaayo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya ayaa  sheegayo in Xabsi guri la galiyey taliyaha KMG ee Nabad sugida qaranka Soomaliya kaa oo la sheegay in la qabtay isagoo ka duuli  rabay garoonka caalamiga ee Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho

 

Taliyahaan oo lagu magacaabo Cabduqaadir kuna magac dheeraa Jaamac ayaa lagu qabtay  isagoo  Eraboorka Muqdiaho kala duulaayo Hal Malayn oo Doolarka Mareykanka  isagoona u socday dalka Turkiga

Gabar ka tirsan Nabada sugida Qaranka ayaa  qabatay  taliye  Jaamac oo si aan sharci aheyn lacagtaas ka duulin rabay magaalada Muqdisho

Jamac ayaa horay u ahaa Sakarataariyaha safaarada Soomalida ee dalka Turkiga waxaana socda Baritaan dheer sababta lacagta intaa la eg  ee sharcidarada ah uu dalka uga saraayey

Dowlada Soomaliya ayaa  horay u sheegtay in ay dagaal kula jiraan masu maasuqa taa  oo hada ka dhigeysa in Xabsi guri la galiyo Taliye sare oo ka tirsan  heyda ugu sareysa dalka ee Nabad sugida waxaana la dhihi karaa guul u soo hooyatay dowlada xiligaan gar wadeenka ka yahay Mxamed Cabdulaahi Farmaajo

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.