Home Afsomali Madaafiic Hoobiyayaal ah iyo qarax ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan...

Madaafiic Hoobiyayaal ah iyo qarax ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo hareeraheeda

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro Hoobiyaal ah oo ku dhacay Xaafadaha Isgoyska Baar Ayaan oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta-Nabada ee Magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaashaan oo gaarayay ilaa lix ayaa waxa ay ku dhaceyn maqaaxiyo ku yaalla Isgoyska Baar Aayaan oo ay dad Shacab ah ku sugnayeen iyo meelo jidcadaal ah oo aysan cidna joogin,waxana la soo sheegayaa in ay khasaaro geysteen.

Goobta ay hoobiyaasha ku soo dhaceyn ee Isgoyska Baar Ayaan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 7 ruux oo Caruur oo badan balse aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay hoobiyayaashaas.

Sidoo kale waxa uu soo sheegay in Caruurta dhaawacantay saddex ka mid ah dhaawacooda uu culus yahay kuwaas oo loola cararay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Wararkii u dambeeyey ee aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Isgoyska Baar Ayaan ay haatan tahay mid caadi ah oo sideedii hore ku soo laabatay isla markaana ay dib uga laabteen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo markii hore Goobta tegay.

Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka-dheer ee duleedka muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga uu ku qarxay Koontoroolka ay Ciidamada dowladda Gawaarida soo galeysa Muqdisho  ku baaraan  ee Siinka-dheer.

Waxaa la sheegay in Gaariga oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu ka tegay dhanka Muqdisho,basle markii uu marayay Siinka-dheer Koontoroolka Ciidamada dowladda uu qarxay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Wadihii Gaariga,waxana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay iyo mid ka mid ah ciidanka dowladda oo kontoroolka ku sugnaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa haatan Goobta gaaray,waxana la xiray dhaq dhaqaaqii Gawaarida iyo dadweynaha ee koontoroolka Siinka-dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.